Weerar Gantaalo ah oo lala beegsaday 3 magaalo oo ku yaalo waqooyiga Dalka Mali.

Date:

Magaalooyinka Kidal, Gao iyo Menaka ee dhaca waqooyiga Mali ayaa hal mar lala beegsaday weerar gantaalo ah.

Weerarkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah xeryaha military ee ay degganyihiin ciidamada shisheeye sida uu sheegay sarkaaal ka tirsan UN-ka.

Suleymaan Maxamed oo deggan magaalada Kidal ayaa sheegay inuu maqlay dhawaq gantaalo oo ka imaanya jihada xero ay degganyihiin ciidamada nabad ilaalilnta Qaramada Midoobe ee dalkaas ku sugan.

Sarkaagl ka tirsan Qarmada Midoobe oo aan shaacin magaciisa ayaa sheegay in weerar gantaalo loo adeegsay lagu qaaday maanta oo Isniin ah xero ku taal Kidal sidoo kalena waxaa weeraro nuucaan oo kale lala beegsaday magaalooyinka Gao iyo Menaka.

Weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada caalamiga ah ee jooga  dalka Mali ayaa ah kuwa soo noqnoqda, laakiin waa markii ugu horeysay ee dhowr magaalo hal mar lagu qaado weerar nuucaan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...