Ciidanka xoogga dalka iyo dadka shacabka ah ee deegaanka Bacaadweyne oo argagixisada Al-shabaab jab xooggan gaarsiiyay.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka ayaa cagta mariyey maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo saakay weerar kusoo qaaday Magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug halkaas oo in mudo ah uu ka socday dagaal culus oo ay ka qayb galeen dadka shacabka ah ee reer Bacaadweyn kuwaa oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadka soo weerar tagey.

Maleeshiyadaka Al-shabaab oo aroornimadii hore ee saakay weerar ku soo qaaday magaalada ayaa dagaal adag kala kulmey dadka deegaanka Bacaadweyn iyo ciidanka xoogga dalka oo halkaas saldhig kuleh, mudo dhowr saacadood ah oo dagaalku socday ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay qasaare xoogan oo gaaray maleeshiyada Al-shabaab, iyagoo goobta kaga cararay meydadka in ka badan 20 maleeshiyaad ah iyo 10 dhaawac ah.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale gacanta ku haya maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ay kujiraan horjoogayaashii dagaalka hoggaaminayay, i oo nolosha lagu qabtay waxaana jira hub fara-badan oo Al-shabaab lagaga qabsaday dagaalka sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21-aad oo agaasi ku sugan oo lahadlay Warbaahinta warbaahinta qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...