Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan.

Date:

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 31 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah saakay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta Dalka Afgaanistaan.

Boolisku waxay sheegeen in weerarku dhacay waqtigii dadku ay shaqda aadayeen, taas oo ah xili mashquul badan.

Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow goobaha ay saafaradaha iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah ka dagan yihiin magaalada Kabul.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyada oo shirka deeq yaboohida Afgaanistaan uu labo cisho kaddib ka furmayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Afgaanistaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee CXDS

Muqdisho, Arbaco, 04 Febraayo 2026 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye...