Wasiirka Waxbarshada XFS oo daah-furay shirka dib-u-eegista tayada Waxbarashada Dalka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirka dib u eegista iyo qiimaynta mashuurca lagu xoojinayo tayada waxbarshadda dalka iyo sidoo kale  tababaradda macallimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhiga goobaha waxbarashada dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada mudane axmed xasan yuusuf iyo agaasimayaasha waxbarashada maamul gobaleedyada dalka iyadoo laysku xogwareysanayay heerka waxbarashada iyo sida iskaashiga looga sameyn karo.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo xubno ka socday midowga yurub.

mashuurcaan waxaa maal-galiya midowga yurub waxana ka soo qayb galay wasaaraddaha waxbarashada maamul goboleedyadda dalka iyo hay’addaha fuliya mashuurcan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...