Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la wareegtay Sharciga mihnadlayaasha caafimaadka qaranka.

Date:

Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta qabatay kulan ay ku soo dhaweynaysay saxiixidda sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka, Xildhibaano ka tirsaan aqalka sare, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulanka oo loogu mahadcelinayey madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saxiixay sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo ay horey u meel mariyeyn xildhibaanada labada gole.

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga Abuukaate Keyse Saciid Cartan oo wasiirka Caafimaadka ku wareejiyay Dukumentiga sharciga Ayaa si kooban uga hadlay muhiimada sharcigan.

Senator  Cismaan Maxamuud Dufle  ayaa sharaxay marxaladihi uu soo maray Sharciga golaha mihnadlayaaaha caafimaadka oo soo biloowday 2014.

Wasiirkii ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  Axmed Xuuseen Macallin  Ayaa xusay In sharcigan uu muhiim u yahay dhamaan Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulsahada Fowsiyo Abiikar Nuur  Ayaa si faah faahsan uga hadashay muhiimadaha waaweyn ee uu xambaarsanyahay sharcigan.

“Waa sharci loo baahnaa waqtigiisa ayuuna ku yimid waana sharcigii ugu horeeyay waxaana sharcigaan uu kala saari doonaan yaa awood uleh dhaqtar yaase noqon karo ayay tiri wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa dhaqan gelinta Sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo wax badan kusoo kordhin doono Hanaanka Caafimaad ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...