Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee kaga aadan u adeegidda Bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug+(SAWIRRO).

Date:

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah oo looga hadlayay sidii haweenka gobolka Mudug ay u sameey lahaayeen qorshayaal isku tashi ah oo ay ku xoojinayaan kaalinta haweenku ay ku leeyihiin u adeegida bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka soo agaasimay xafiiska wasaaradda haweenka ee Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay ku dhowaad 300 oo haween ah kuwaas oo ka kala yimid deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Isku duwaha gobolka Mudug ee wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Drs, Yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali ayaa madasha wada-tashiga ah ka sheegtay in xafiiska wasaaradda haweenka gobolku uu ku dadaali doono wax ka qabashada baahiyaha haweenka iyo u adeegida bulshada, iyadoo dhanka kalana ugu baaqday haweenka gobalka Mudug la shaqeynta maamulada dagmooyinka iyo gobalka Mudug.

Sidoo kale kulanka wadatashiga waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mida xubnaha ururada haweenka gobalka, kuwaas oo sheegay in ay kaalintooda ka qaadan doonaan u adeegida bulshada.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe ayaa uga mahad celisay haweenka gobolka Mudug iyo isku duwaha cusub ee wasaarada Drs Yurub Cabdulaadir sheekh cali dadaalka ay wadaan iyadoo sheegtay in ay garab taagantahay ayna qeyb weyn ka qaadan doonto horumarinta haweenka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...