Kulan looga hadlayey doorka Haweenka ee kaga aadan u adeegidda Bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug+(SAWIRRO).

Date:

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah oo looga hadlayay sidii haweenka gobolka Mudug ay u sameey lahaayeen qorshayaal isku tashi ah oo ay ku xoojinayaan kaalinta haweenku ay ku leeyihiin u adeegida bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana kulanka soo agaasimay xafiiska wasaaradda haweenka ee Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay ku dhowaad 300 oo haween ah kuwaas oo ka kala yimid deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Isku duwaha gobolka Mudug ee wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Drs, Yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali ayaa madasha wada-tashiga ah ka sheegtay in xafiiska wasaaradda haweenka gobolku uu ku dadaali doono wax ka qabashada baahiyaha haweenka iyo u adeegida bulshada, iyadoo dhanka kalana ugu baaqday haweenka gobalka Mudug la shaqeynta maamulada dagmooyinka iyo gobalka Mudug.

Sidoo kale kulanka wadatashiga waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mida xubnaha ururada haweenka gobalka, kuwaas oo sheegay in ay kaalintooda ka qaadan doonaan u adeegida bulshada.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe ayaa uga mahad celisay haweenka gobolka Mudug iyo isku duwaha cusub ee wasaarada Drs Yurub Cabdulaadir sheekh cali dadaalka ay wadaan iyadoo sheegtay in ay garab taagantahay ayna qeyb weyn ka qaadan doonto horumarinta haweenka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...