Ra’iisul Wasaare Rooble “Shacabka Muqdisho ma astaahilaan culeyskii ay kala kulmeen muddadii ay waddooyinku xirnaayeen”

Date:

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in jidadka Caasimadda loo furay si loo fududeeyo nolosha, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha.

Mudane Rooble ayaa ka raaligaliyey shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay kala kulmeen xirnaanshaha wadooyinka.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka Muqdisho ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha wadooyinka. Shacabkuna ma astaahilaan, mana qaadan karaan culeyskii ay kulmeen muddadii waddooyinku xirnaayeen”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qiimeyn lagu sameyn doono jidadka kale ee xiran, kuwaas oo iyagana la furi doonno wakhtiga ugu horreeya ee la hubiyo in khatar uga imaaneyn shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS M. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka sida ay ugu dhabar adeyggeen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay kor u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...