Ra’iisul wasaare Rooble oo beesha caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Shirka ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Mudane Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...