Dagaal maalintii 2-aad dhexmaraya dalalka Azerbaijan iyo Armenia

Date:

Maalintii Labaad dagaal culus oo u dhexeeya dalalka Azerbaijani iyo Armenia ayaa ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh .

Labada dhinac ayaa laga soo wariyay in ay soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawacyo , iyadoo dagaaladaan cusub ay yihiin kuwii ugu xumaa rabshado dagaal oo bilowday sanadkii 2016.

Bulshada caalamka,sida  Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo dalaka reer Yurub ayaa ku baaqayay in la joojiyo colaadda oo la bilaabo wada hadal.

Labada dal ayaa ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh islamarkana waxaa halkaas horey ugu dhaexmaray isku dhacyo kooban.

Nagorno-Karabakh ayaa caalamku wuxuu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan tahay dalka Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya dad asalkoodu yahay Armenia.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa ay labaduba ka tirsanayeen dalkii burburay horay loo oran jiray midowgii Soofiyeeti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...