Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

Date:

Markabka sahanka ah Oruc Reis ee uu Turkigu leeyahay ayaa maalintii shalay aheyd ku laabtay biyaha u dhaw gobolka koonfureed ee Antalya, waana tallaabo dejin karta xiisadaha u dhexeeya Ankara iyo Athens ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

Dalalka Turkey iyo  Greece oo labaduba ka tirsan isbaheysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo lahaanshiyaha xuquuqda Tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian.

Xiisadaha labada dhinac ayaa cirka isku shareertay bishii hore kadib markii ay Ankara u dirtay Markabka Oruc Reis inuu baaritaan ku sameeyo rajada laga qabo saliidda iyo gaaska biyaha ay kala sheegtaan dalalka Greece, Qubrus iyo Turkiga.

Greece ayaa soo dhaweeeyay tallaabada uu Turkigu dib ugu celiyay Markabka Oruc Reis ee baarista ka waday biyaha labada dal ay ku muransan yihiin, Greece wuxuu sheegay in uu mar walba ilaalinayo daris wanaagga jaarkiisa ah, hase yeeshee Wasaarada difaaca Turkiga ayaa ku gooddisay in aysan Ankara abqali doonin daan-daansiga Greece soo dhex-maraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...