Munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ee dalxiiska oo lagu qabtay Muqdisho.

Date:

Boqolaal dhalinyaro ah xubno katirsan goleyaasha kal duwan ee dowladda Ganacsato iyo marti sharaf kala duwan ayaa kasoo qeyb-galay xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta dalxiiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbeddel iyadoo sanadkii seddexaad oo xiriir ah xoogga lagu saaray sidii loo soo nooleyn lahaa daxliiska dalka.

”Waxaa hada isbeddel xooggan laga dareemayaa heerka uu gaarsiisanyahay dalxiiska dalka waana arrin seddexdii sano ee la soo dhaafay aan si isdaba joog ah aan kor ugu qaadeynay sidii aan dib ugu soo nooleyn-lahyeyn ayay tiri agaasime farxiyo.

Agaasimagaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf sheekh Al-cadaala ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay munaasbaddaasi iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.

“Munaasabadaan waxa ugu weyn ay caawa qusyeso waxaa ka mid ah inaan u dabaal degno maalinta dalxiiska iyo sidoo kale inaan asteyno goobaha lagu soo bandhigayo ayuu hadalkiisa ku af-xeray Agaasime Cadaala.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha shacabka sidoo kalene ka mid ah ganacsatada dalka maalgashiga ku sameeyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed in amniga uu ka horreeyo maalgashiga dalka taasine lagula dagaalami karo nabad gelyo la’aanta.

“Aniga waxaa qabaa in marka hore laga shaqeeyo maalgashiga taasine aan kula dagaalami karno amni darada ka jirta dalka waana qasab inaan beddelno muqaalka dalkeena ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku ammaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare u qaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa Wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiir Falagle.

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhawaaqay in labo todobaadka kasto ee bishaan kale loo asteeyay maalmaha dalxiiska dalka oo maalinba goobo dalxiis la soo bandhigayo.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobno qurux badan ayuu yiri wasiir maareeye.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...