Xoogga dalka oo ku dilay horjoogayaal argagaxiso Gobollada Baay iyo Jubbada dhexe.

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay waxaa ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa malleeshiyada A-lshabaab, kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ka dhacay meel khayaas ahaantii 45-KM dhanka Galbeed kaga beeggan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macalin Cabdi, kaasi oo magaciisa is afgarashada Al-shabaab lagu sheegay (Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nooca AK-47 ah iyo Baastoolad leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kummaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayay ku khaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo afar maleeshiyaad, kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaalo degmada Jamaame, halkaasi oo ay ciidanka kummaandooska ay ku soo qabteen.

saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in horjoogahani oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan) uu dhibaatooyin badan u geystay shacabka ku dhaqan gobolada Jubooyinka, balse ciidanka kumaandooska ayaa ku guuleystay in ay toogtaan.

Tan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedka goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada A-lshabaab,taasi oo ay wadaan ciidanka Xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...