Xoogga dalka oo ku dilay horjoogayaal argagaxiso Gobollada Baay iyo Jubbada dhexe.

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay waxaa ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa malleeshiyada A-lshabaab, kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ka dhacay meel khayaas ahaantii 45-KM dhanka Galbeed kaga beeggan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macalin Cabdi, kaasi oo magaciisa is afgarashada Al-shabaab lagu sheegay (Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nooca AK-47 ah iyo Baastoolad leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kummaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayay ku khaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo afar maleeshiyaad, kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaalo degmada Jamaame, halkaasi oo ay ciidanka kummaandooska ay ku soo qabteen.

saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in horjoogahani oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan) uu dhibaatooyin badan u geystay shacabka ku dhaqan gobolada Jubooyinka, balse ciidanka kumaandooska ayaa ku guuleystay in ay toogtaan.

Tan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedka goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada A-lshabaab,taasi oo ay wadaan ciidanka Xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...