Bannaan bax looga soo horjeedo Ra’iisul wasaare Netanyahu oo ka dhacay Israel.

Date:

Isku soo baxyadaasi ka dhacay Jeruslama maallinimadii Sabtida afaafka hore ee halka uu deggan yahay Ra’iisal Wasaaraha Israel Benajamin Netanyahu ayaa waxaa ay galeen usbuucii 12-aad, waxaana dadkaasi ay aad uga soo horjeedeen falalka musuq maasuq ee la sheegay in uu ku kacay Benjamin Netanyahu iyo isaga oo si aan sax ahayn ugu takri falay lacago beesha caalamka ugu yaboohday Israel oo loogu tala galay in wax looga qabto faafitaanka Cudurka Covid-19.

mudaaharaadyo kale oo aan sidaa  u weyneyn ayaa waxa ay ka dhaceen meelaha buundooyinka ahi iyo meelo  kale ee isgooysyada dalkaasi ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ugu yeraan tobanaan kun dad gaaraya ay isugu soo baxeen banaanbaxyada lagu diidan yahay Maamulka Rii’sul Wasaare Benjamin Netanyahu oo dhowr jeer o hore ugu baaqay in uu xilka iska casilo.

Mudaaharaadyadaasi oo galay usbuuci 12-aad ayaa waxaa kale oo jira caabuqa Covid19 in uu ka jiro gudaha isarel oo la sheegay in ugu yeraan 150 kun oo qof in uu haleelay caabuqaasi covid-19 iyada oo ay u dhinten kun qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Israel.

israel waxaa soo gaaray habadaba dhibaatooyin ku saabsan bur bur dhaqaale oo loo aaneynayo musuq ay ku kacaan madaxda iyo iyada oo uu si xawli ah uu ku socdo xanuunka Covid-19, iyadoo la xiray goobihi ganacsiga warshadihii dugsiyadii iyo goobihii dadku u isugu iman jireen oo ay dowladdu diiday in dadku ay isku yimaadaan,taasi oo keentay in shaqo li’i ba’an ay ka dhacdo Israel oo noqotay boqolkiiba 20 inta shaqo la’aantu  ay ku dhacday mana jirto calaamado mujinaya in ay jirto xukuumad diyaar u ah in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaasi shaqo la’aanta ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...