Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda.

Date:

Maal-qabeennada reer Jabuuti ee muddada dheer ku noolaa qurbaha ayaa haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya, isla markaana maalgashi baaxad leh ku samaynaya,
Yaasiin Cawleed Faarax oo muddo dheer ku noolaa dalka Canada ayaa mashruuc baaxad leh oo dhismaha guryaha ah ka hirgaliyey deegaanka Lagaara oo 4-km u jira caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu ka dhisay illaa 300-oo guri.

Dowladda Jabuuti ayaa siisay dhulka mashruucan oo wali socda laga fuliyey, si loo dhiiri galiyo maalgashiga, waxaana haatan socda dhamaystirka wajiga 1-aad ee mashruuca oo guryo deegaan ah ay ka helayaan qurba joogta dalka ku soo laabanaysa iyo bulshada maxaliga ah.

Yaasiin Cawleed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in mashruucan uu ku dhiiraday ka dib markii uu arkay qurba joogta Jabuuti iyo Soomaaliya oo guryo ka dhisanaya ama ka gadanaya dalaka Yurub, Canada iyo bariga Afrika, taas oo ay uga wacnaan lahayd inay dalkooda maalgashadaan.

Sidoo kale qurba joogta Jabuuti ku soo laabtay waxay maalgashi ku sameeyeen dhinacyada beeraha, kalluunka iyo dalxiiska, taas oo kordhisay shaqo abuurka iyo horumarka Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...