Ciidamada Isbaheysiga uu Sacuudiga hggaaminayo oo dilay tobbanaan Xuutiyiin ah.

Date:

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ee ka dagaalama gudaha Yeman ayaa billaabay howlgalo habeenkii ah oo ay ku bar-tilmaameedsanayaan goobaha kooxda Xuutiyiinta ay ka degganyahiin Caasimadda Yemen ee Sanca.

Qaraxyo ayaa la maqlay kadib markii qeybo ka mid ah Magaalada Ma’rib,  lagu weeraray Gantaalo dhawr ah intii ay socdeen dagaalo halkaasi ay ku qadeen ciidamada isbaheysiga.

Ilo wareedya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka isbahaysiga ay beegsadeen xalay xilli dambe xerada Al-Sawaad ee degmada Sanxaan oo ku taallo koonfurta magaalada Sanca.

Warbaahinta Yeman ayaa soo warisay in duqeyn kale oo cirka ah la la beegsaday beero ku yaalla aagga degaanka Saraf ee bariga Sanca, iyada oo aan la sheegin in duqeymahaasi ay ka dhasheen qasaaro.

Dhinaca kale ilo maxalli ah oo ku sugan magaalada Ma’rib ayaa soo wariyay in qaraxyo dhawr ah laga maqlay kadib markii gantaal lagu garaacay gooba ay ku sugnayeen Xuutiyiinta, iyada oo gawaarida gurmadka deg degga ah  ay wali ku sii qulqulayaan goobta ay ka dhaceen Duqeymaha.

Ciidamada Isbaheysiga ayaa sheegay in  tiro ka badan 35 Xuutiyiin ah ay dileen kadib dagaal ka dhacday degaanka Al-Jufra iyo buuraha Salab ee dhaca waqooyga galbeed ee Ma’rib.

Duqeeymahan oo ay fuliyeen Ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaanka u yahay Sacuudiga ayaa imanaya maalmo kadib markii Xuutiyiinta ay ku dhawaaqeen inay diyaarado Drones ah ay u dirayaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha oo dhaca Koonfurta Sacuudiga, si ay halkaasi duqeeymo ugu geystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...