Is-maamulka Tigreega Itoobiya oo saaka u dareeraya doorasho.

Date:

Guddiga doorashada oo ay sameysteen ismaamulka tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhaceyso doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay.

Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goob oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof.

Doowlada federaalka Itoobiya ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee Baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation.

Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii August ayaa dib loo dhigay muddo 9 bil ah cudurka karoonaha dartii balse ismaamulka tigreega waa ay diideen arintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...