Soomaaliya oo Caalamka la wadaagtay saamaynta dhaqaale ee uu gaarsiiyey Coronavirus.

Date:

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo ku aaddan saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19 uu ku keenay dhaqaalaha caalamka, kaas oo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo aaladda internet-ka ee tooska ah ku qabsoomay.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimaddiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee waddamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu cudurku yareeyey dakhligii dawladda soo galayey iyo koboca dhaqaalaha guud ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada maaliyadda 73-wadan iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha, waxaana leysku af-gartay in taageero maaliyadeed la siiyo waddamada soo koraya ee Soomaaliya ka mid tahay, kuwaas oo saameynta dhaqaale uu ku yeeshay Covid-19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...