Galmudug oo tallaabooyin u qaadaysa joojinta colaad beeleedyada.

Date:

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo in muddo ah ay ka taagneed colaad u dhaxaysa beelo walaalo ah oo halkaasi wada daga.

Wax-garadka labada dhinac, Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoorqoor ku wehliya socdaalka, waxaana qorshuhu yahay in xal dhammaystiran laga gaaro colaadda halkaasi ka jirtay.

Shalay ayaa deegaankaasi laga hirgaliyey heshiis xabad joojin ah, ka dib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...