Galmudug oo tallaabooyin u qaadaysa joojinta colaad beeleedyada.

Date:

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo in muddo ah ay ka taagneed colaad u dhaxaysa beelo walaalo ah oo halkaasi wada daga.

Wax-garadka labada dhinac, Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoorqoor ku wehliya socdaalka, waxaana qorshuhu yahay in xal dhammaystiran laga gaaro colaadda halkaasi ka jirtay.

Shalay ayaa deegaankaasi laga hirgaliyey heshiis xabad joojin ah, ka dib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...