Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Dharkeynleey[Sawirro]

Date:

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula waregayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir Mudane Guhaad Sheekh Xasan.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay qeybaha bulshada iyo maamulka Degmada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka hadlay madasha ayaa sheegay in Guddoomiye Guhaad uu wax badan ka qabtay intii uu joogay Degmada Xamar Jajab, waxaana ay ku booriyeen in uu howlkarnimo dheeraad ah la yimaado.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkeenleey Abuukar Axmed Caddow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir muddadii ay wada shaqeynayeen iyo maamulka Degmada intuba, isagoo shacabka iyo maamulkaba ka codsaday inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub, isla markaana uu wax badan ka qabtay degmada inta uu joogay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey Guhaad Sheekh Xasan ayaa balan qaaday dhankiisa in uu sii labo jibaarayo howlihii uu qabtay guddoomiyihii isaga ka horeeyay, waxaana uu intaa ku daray in bulshada uu ugu adeegi doono si cadaalad ah, isagoo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee degmada Abuukar Axmed Caddow.

“Saddex arrin ayaan rabaa inaan ka shaqeeyo oo ay ka mid tahay isdhexgalka bulshada, adeegyada aas aasiga ah ee ay bulshada u baahanyihiin iyo arrimo kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bulshada Degmada Dharkeenleey ku sifeeyay kuwa Nabadda jecel, waxaana uu ka codsaday inay garab istaag u miuujiyaan guddoomiyaha cusub.

“Degmada Dharkeeynleey bulshada ku nool waa kuwa Nabadda jecel, waxaan leeyahay reer dharkeeynley waxaan leeyahay isku tashada sidii hore ee aad sameyn jirteen, waxaad heysataan Guddoomiye dhallinyaro ah oo aan ku cusbeyn shaqada, waxaana rabaa in aad garab istaagtaan, waana hubaa in uu la imaan doono howlkarnimo, anaguna kan maamul ahaan waan ku kormeereen shaqadiisa si uu dhiiri gelin uga helo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

 

                

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...