Ilhaan Cumar iyo Xildhibaanno kale oo dacwad ka gudbiyay Askar falal xun kula kacay Dad Muslimiin ah.

Date:

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka wakiillada  Mareykanka oo ay ka mid tahay Ilhan Cumar ayaa dacwad ka gudbiyay ciidamada ka hortagga qaxootiga iyo kuwa canshuuraha, kadib markii ay Dad Muslimiin ah oo xabsi ku jira ay ku qasbeen in ay cunaan Hilib Doofaar iyo raashiin qurmay.

Dacwadda oo ay Xildhibaannadu u gudbiyeen Waaxda amniga gudaha Dalka Maraykanka ayay kaga codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay Muslimiinta maxaabiista ah ee ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Miami.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen Xildhibaanada kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani aheyn wax aan la aqbali karin.

Maxaabiis Muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee Magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan Hilib Doofaar iyo Raashin qurmay, sida ay sheegeen Xildhibaannadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomay Shahaadada Musharaxnimada

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta...

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...