Erdogan iyo Trump oo ka wadahadlay xiisadda Badda Mediterranean.

Date:

Madaxweynayaasha Turkiga Tayyip Erdogan  iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay  xiriirka labada dhinac, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka  ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxweyne Erdogan.

Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterranean talaabadaas uu Athenis ugu yeertay sharci daro.

Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa si weyn isu maan dhaafay waxayna wada sheeganayaan milkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu  kamid yahay gaas dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac  uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firirsan yihiin jaziirado Giriigu leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...