Faafaahinta Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Liido.

Date:

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan argagixisada Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyay ku bilowday ka geystay Hotel Elite oo ku yaala xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho,sida uu SONNA u sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

“Koox hubeysan oo katirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka”. ayuu yiri Oranjo.

Qarax ayaa  sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay iyo kow ku sugnaa goobtaasi oo mas’uuliyiin ay kujiraan, sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi,sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay kamid ahaa Maxamed Cabdi Xuseen(Caraaye) oo ka tirsan shaqaalaha Filimqaadayaasha ah ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tacsiyadeeyey geeriga agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerarkaasi.

dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday xarumaha caafimaad,iyadoo isbitalka Digfeer la dhigay dad badan oo dhaawacyo qaba iyo goobo kale caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...