Shirka wadatashiga wejiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda oo maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa maanta guddoomiyay shirka wadatashiga wajiga labaad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda oo Xafiiskiisa kula yeeshay Guddiga shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

“Maanta, waxaan wada-tashi ka yeelanay daahfurka wajiga labaad tirakoobka madax ka tiriska ah ee Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda. Waxaa la tiri koobi doonaa Hay’addaha aan Shaqaalahooda marin wajiga koowaad ee tirakoobka ayuu yiri sii hayaha wasiirka shaqada Mudane Xirsi warfaa.

Sidoo kale sii hayaha xilka wasiirka shaqahada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Waxa uu uga  mahadceliyay guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka doorka ay ka qaadanayaan dadaallada ku aaddan horumarinta Shaqaalaha dowladda,iyada oo aan la helin shaqaale Dowladeed oo karti leh inta badan dedaallada nabadda, Amniga iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ma noqon karaan kuwa miro-dhala.

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...