Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb+Sawirro.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaas waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo maamul Goboleedyada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay.

             

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...