Xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay maleegayeen Argagaxisada.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku dhigay miinooyinka dhulka lagu aaso , kuwa lagu xiro gaadiidka iyo aalado kala duwan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, kadib howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen guri ku yaalla Degmada Kuntuwaarreey oo ay Argagagixisadu ku kaysan jireen Miinooyinka.

Ciidanka ayaa waxay sidookale soo qabteen Saddex Qof oo kamid ah Malleeshiyaadka Al-shabaab, xilli ay diyaarinayeen qaraxyo sida uu kusoo warramayo Wariyaha warbaahinta Qaranka, Carafaad Axmed Nuur Jaangoow oo lasocdo Ciidanka kumaandooska Danab.

Ciidanka Kumaandooska e Xoogga Dalka ayaa waxay Gobolka Shabeellada hoose kawadaan howlgallo lagu baacsanayo Malleeshiyaadka Al-shabaab iyo haraadigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...