Xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay maleegayeen Argagaxisada.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku dhigay miinooyinka dhulka lagu aaso , kuwa lagu xiro gaadiidka iyo aalado kala duwan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, kadib howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen guri ku yaalla Degmada Kuntuwaarreey oo ay Argagagixisadu ku kaysan jireen Miinooyinka.

Ciidanka ayaa waxay sidookale soo qabteen Saddex Qof oo kamid ah Malleeshiyaadka Al-shabaab, xilli ay diyaarinayeen qaraxyo sida uu kusoo warramayo Wariyaha warbaahinta Qaranka, Carafaad Axmed Nuur Jaangoow oo lasocdo Ciidanka kumaandooska Danab.

Ciidanka Kumaandooska e Xoogga Dalka ayaa waxay Gobolka Shabeellada hoose kawadaan howlgallo lagu baacsanayo Malleeshiyaadka Al-shabaab iyo haraadigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...