Wasiirrada Kalluumeysiga DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo shir ku yeeshay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Sii hayaha Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda Dowladda Federaalka, mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa guddoomiyay shir maanta Muqdisho ku dhex maray wasiirrada Kalluumeysiga heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo looga hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay heshiiska Khayraad qaybsiga.

Kulanka oo si qota dheer loogu falanqeeyay mashaariicda iyo horumarka ay wasaaradda kalluumeysiga Federaalku ka wadddo magaalooyinka dalka ayaa  waxaa goob  joog ka ahaa wasiirrada Kalluumeysiga dowlad gobaleedyada Galmdudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Kulanka oo qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee ay wasiirradu ka yeeshaan horumarinta qayta kalluumeysiga dalka ayaa dhinac socda shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo looga tashanayo dhammeystirka sharciga kalluumeysiga dalka oo dib u eegis lagu sameeyay.

Wasiirrada oo qodobadii ka ay ka hadleen is af-garad ka gaaray ayaa ku ballamay in kulan kale ay ku yeeshaan magaalada Baydhbo laba ama sedax todobaad kadib.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....