Xuska sanad-guuradii 14-aad ee Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro.

Date:

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalay munaasabadda 14 Sano guuradii ka soo wareegtay aas – aaskii Galmudug sidoo kale waxaa munaasabada ka soo qaybgalay Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Dhusamareb iyo qaybaha bulshada.

Hambalyada Sanad guurada ayaa waxaa dhammaan bulshada galmudug u diray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxa uuna xusay in Maamulku uu soo maray marxalado kala hadbana lagu soo shaqaynayey duruufaha jira.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu madasha uga hadlay Shirkii lagu ballansanaa in la isugu yimaado Dhuusamareeb waxaana uu  suxay inay sugayaa in Magaalada ay soo gaaraan wufuuddii ka qaybgali laheyd.

Munaasabadda la mid ah tan xalay lagu qabtay Dhusamareb ayaa waxa ay ka dheceen meelo kala duwan waxaana lagu xusayey 14 guuradii ka soo wareegtay markii Galmudug dhidibada loo taagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...