Xuska sanad-guuradii 14-aad ee Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro.

Date:

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalay munaasabadda 14 Sano guuradii ka soo wareegtay aas – aaskii Galmudug sidoo kale waxaa munaasabada ka soo qaybgalay Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Dhusamareb iyo qaybaha bulshada.

Hambalyada Sanad guurada ayaa waxaa dhammaan bulshada galmudug u diray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye waxa uuna xusay in Maamulku uu soo maray marxalado kala hadbana lagu soo shaqaynayey duruufaha jira.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu madasha uga hadlay Shirkii lagu ballansanaa in la isugu yimaado Dhuusamareeb waxaana uu  suxay inay sugayaa in Magaalada ay soo gaaraan wufuuddii ka qaybgali laheyd.

Munaasabadda la mid ah tan xalay lagu qabtay Dhusamareb ayaa waxa ay ka dheceen meelo kala duwan waxaana lagu xusayey 14 guuradii ka soo wareegtay markii Galmudug dhidibada loo taagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...