Madaxweynaha JFS oo ku wajahan Dhuusa-mareeb.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambaboxo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah qabsoomidda wejigii 2-aad ee shirkii dhawaan lagu soo geba gebeeyey halkaasi,kaasi oo u dhexeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyad.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtoyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twiterka kaga hadlay safarka madaxweynaha.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”. ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...