Madaxweynaha JFS oo ku wajahan Dhuusa-mareeb.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambaboxo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah qabsoomidda wejigii 2-aad ee shirkii dhawaan lagu soo geba gebeeyey halkaasi,kaasi oo u dhexeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyad.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtoyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twiterka kaga hadlay safarka madaxweynaha.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”. ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...