Nuxurka khudbaddii Madaxweynaha JFS uu ka horjeediyay Golaha Shacabka Soomaaliya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka horjeediyay Golaha Shacabka, isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee iminka dalka uu marayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi gaarka ahaa ee uu yeeshey Golaha Shacabka kaga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo dadaalada ay wado dwoladda Soomaaliya,gaar ahaan shirkii Dhuusamareeb dardargelintiisa.

“Maanta oo ah 15 August 2020 waxaa lagu balansanyahay la isugu tago magaalada Dhuusamareeb,waxaana halkasi ka qabsoomi doona shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada,waxaan idin cadeynayaa in Golaha Shacabka uu wakiil u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada,go’aan aad gaartaan waa in dalka oo dhan laga aqbalo,waxaana idin balan qaadayaa in wixii ka soo baxa shirka Dhuusamareeb aan halkna idinku keeno”. ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...