Guddiga farsamada ee ka talo bixinta arrimaha doorashooyinka ayaa la kulmay Madaxweyne goboleedyo.

Date:

Guddiga Farsamada ee ka baaraandegidda talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha Doorashooyinka oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Dastuurka ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynayaasha ayaa ku ammaanay Guddiga shaqada ballaaran ee ay hayaan, kulamadan ayaa ahaa qaar loogu gogol xaarayo shirka Dhuusamarreeb 3, oo lagu wado in 15-ka bishan markale lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay is waydaarsadeen talooyin iyo wada hadallo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Dastuurka ahna Guddoomiyaha Guddiga ka baaraandagga iyo ka tala-bixinta doorashooyinka ayaa sheegay in kulankii maanta uu guul ku soo idlaaday, ayna sii dar dargelinayaan howlaha horyaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...