Mas’uuliyiin ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada adduunka.[Sawirro]

Date:

Munaasabad lagu weynaynayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka oo ku beeggan 12-ka August ayaa xalay lagu qabtay Masraxa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare, Maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, Ururrada dhallinyarada Gobolka Banaadir, Bahda isboortiga iyo marti sharaf kale.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay ka warameen doorka dhallinyarada dalka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada xiriirka joogtada ah ee ay la leedahay dhallinta Gobolka, waxaana uu intaa ku daray in dhallinyarada ay door fiican ku leeyihiin saaxadda siyaasadda dalka, loona baahanyahay inay ka qeyb qaataan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta dhallinyarada adduunka, Soomaaliyana ay gaar u tahay 15-ka May maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhallinyarada ku boorisay inay noqdaan dhallinyaro isku duuban oo ka shaqeeya horumarintiisa.

Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhallinta uga digay in si qaldan looga faa’iideysto oo ay horseedka noqdaan bur burinta dalkooda, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay door weyn ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka, ayna ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan xilligan.

Xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Xildhibaannada Goluhu ay diyaariyeen sharcigii doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu saxiixay, loona baahanyahay in dhallinyarada ay door muuqda ka qaataan hannaanka doorashada, ayna ka muuqdaan Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabir” ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu kula dar daaarmay inay xoogga saaraan waxbarashada oo ay noqdaan dad aqoon leh, muujiyaana doorka hogaamineed ee looga baahanyahay xilligan.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn hambalyo u dirtay dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta dhallinyarada Adduunka awgeed ayaa tilmaamtay in salaam ay uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka mudnae Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku saabsan xuska Maalinta dhallinyarada caalamka.

Wasiir Khadiijo ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u wakiilatay in uu sahaado sharaf guddoonsiiyo Xaliimo Axmed Yuusuf oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Wadnaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin indhihii bulshada, isagoo ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa horumarka dalkooda, ayna ku cad goostaan caqligooda iyo cuddudooda oo ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalka.

Duqa Muqdisho mar uu ka hadlayay doorashada dadban ayaa sheegay in dhallinyaradu ay marti ka noqon doonaan hogaaminta dalka, loona baahanyahay inay taageeraan in dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay dhallinyarada u tahay fursad soo marta.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo soo xiray xafladda ayaa Hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska munaasabadda 12-ka August, waxaana uu Wasiir Khadiija ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay Wasaaradda dhallinyarada iyo sida ay ugu hogaamisay inay xaliso bahda cayaaraha iyo ururrada dhallinyarada.

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u dhaqmaan, una fekeraan dhallinyarada caalamka, isagoo dhallinyarada ku booriyay inay ku soo bandhigaan daraasado cilmiyeysan muuqaal baahiyaha Warbaahinta Qaranka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa dhallinyarada u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan, ayna muujiyaan kaalinta looga baahanyahay horumarinta bilicda dalkooda.

“Hambalyo ayaan leeyahay kooxda MCC oo ku guuleysatay horyaalka dalka, Hambalyo ayaan leeyahay Wasiirka Khadiija, guuleysta,  waxaan rajeynayaa in hadaladii caawa halkan laga soo jeediyay ay dhallinyarada wax badan ka qaataan oo ay muujiyaan doorkooda hogaamineed” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...