Galmudug oo shacisay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Date:

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka dhawaajiyay in uu billowaday dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo goobaha fara ku tiriska ah oo ay kaga suganyihin deegaannada maamulka galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab .

Maamulka Galmudug,waxa ay xuseen in howlgalka lagu saarayo maleeshiyaadka argagixisada ay iska kaashan donaan ciidamada dowlada iyo beesha caalamka,iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay dadka Gobolkaasi in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Hadaladaan ay jeediyeen Madaxda Galmudug ayaa imaanaya xili ay booqdeen deegaanka Shabeellow oo ay ku dagaalameen dad shacab ah iyo kooxda argagixisada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...