Galmudug oo shacisay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Date:

Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka dhawaajiyay in uu billowaday dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo goobaha fara ku tiriska ah oo ay kaga suganyihin deegaannada maamulka galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab .

Maamulka Galmudug,waxa ay xuseen in howlgalka lagu saarayo maleeshiyaadka argagixisada ay iska kaashan donaan ciidamada dowlada iyo beesha caalamka,iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay dadka Gobolkaasi in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Hadaladaan ay jeediyeen Madaxda Galmudug ayaa imaanaya xili ay booqdeen deegaanka Shabeellow oo ay ku dagaalameen dad shacab ah iyo kooxda argagixisada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...