Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku geeriyooday howlgal ka dhacay Gaalkacyo.

Date:

Taliyihii Ciidamada ilaalada madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland G/Sare; Cismaan Cumar Maxamed ayaa lagu dilay is-rasaasayn maanta ka dhacday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dilka Taliyaha ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ay how-gal ka sameeyeen goob lagu iibiyo maandooriyaasha, iyagoo iska caabbin kala kulmay malleeshiyo halkaasi ilaalo ka haysay.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay dhimashada Toddoba Qof oo isugu jira dhinacyadii ay dirirtu dhex martay iyo Dad Rayid ah oo goobta ka dhowaa, waxaana haatan deggen xaaladda halkii uu iska hor imaadku ka dhacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...