Ciidanka XDS oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Gacanta kusoo dhigay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Danab ayaa sheegay in Dadka ay soo qabteen oo u badan Dhallinyaro ay marsiin doonaan baaritaanno, kadibna ay sii deyn doonaan Qofkii ay dembi ku waayaan.

Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan qorshahuna uu yahay in ay u ruqaansadaan degaannada ay Argagixisadu kaga dhuumaalaysanayaa Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...