Suuq ku yaalla Imaaraadka oo dab ka kacay.

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Imaaraadda Ajman suuq weyn oo ku yaala uu dab qabsaday, abaare saacaddu markii ay aheyd 6:30pm, xilliga wadankaas, sida uu baahiyay wargeyska Gulf News ee ka soo baxay Imaaraadka.

Waaxda dab damiska ee difaaca madaniga loo yaqaano ee Imaaraad Ajman ayaa goor dambe ku guuleystay in ay xakameeyaan dabka, ayagoo kaashanaya waaxiyaha dab damiska Dubai, Shaariqa (Sharjah) iyo Ummul Quwain.

Lama soo warinin wax khasaare nafeed ah oo dabkaas sababay, waaxda difaaca madaniga ah ayaa hadda ku howlan sidii loo hagaajin lahaa goobtii dabka ka kacay.

Suuqa dabka qabsaday ayaa ah goob muhiim ah oo dadweynaha ka adeegtaan sidoo kalena waxaa ku yaalaa xaafad warshado badan ku yaalaan.Muuqaalo lagu baahiyay qalabka warbaahinta ayaa waxaa ka muuqanaya holac iyo qiiq qariyay dhismaha suuqa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada oo sheegay in da’yartu ay yihiin furaha mustaqbalka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee XFS, Mudane Maxamed...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...