Suuq ku yaalla Imaaraadka oo dab ka kacay.

Date:

Wararka ka imaanaya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Imaaraadda Ajman suuq weyn oo ku yaala uu dab qabsaday, abaare saacaddu markii ay aheyd 6:30pm, xilliga wadankaas, sida uu baahiyay wargeyska Gulf News ee ka soo baxay Imaaraadka.

Waaxda dab damiska ee difaaca madaniga loo yaqaano ee Imaaraad Ajman ayaa goor dambe ku guuleystay in ay xakameeyaan dabka, ayagoo kaashanaya waaxiyaha dab damiska Dubai, Shaariqa (Sharjah) iyo Ummul Quwain.

Lama soo warinin wax khasaare nafeed ah oo dabkaas sababay, waaxda difaaca madaniga ah ayaa hadda ku howlan sidii loo hagaajin lahaa goobtii dabka ka kacay.

Suuqa dabka qabsaday ayaa ah goob muhiim ah oo dadweynaha ka adeegtaan sidoo kalena waxaa ku yaalaa xaafad warshado badan ku yaalaan.Muuqaalo lagu baahiyay qalabka warbaahinta ayaa waxaa ka muuqanaya holac iyo qiiq qariyay dhismaha suuqa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la...

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...