Shir looga hadlayo horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Date:

Shir looga hadlaayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ,ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha,waxaa ka hadlay Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed,isgoo sheegay in in qeyb weyn uu ka qaadan doonaan horumarinta biyaha.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...