Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Wariye Abuuja.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo Wariye Maxamed Cabduwahaan Nuur Abuuja, kadib markii lagu waayay eedeymo la xiriiray in uu katirsanaa Al-shabaab

Guddoomiyaha ayaa xusay in baaris dheer ka dib aysan jirin wax dambi ah oo uu galay Wariyahaasi, wuxuuna  amray in Xabsiga laga sii daayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute waxa u faray lamaha amniga in dabagal iyo baritaan ay ku sameyaan ciddii ka dambeysay dambiyadii lagu soo oogay Wariyahaasi.

Wariyaha ayaa muddo dhowr bilood ah ku xirnaa xabsiga dhex,isagoo loo heystay tuhun ah in Al-shabaab u katirsanaa,isla markaana uu geystay dilka gabar lagu magacaabi jiray Baxsaneey C/lle Boolaay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...