Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Wariye Abuuja.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo Wariye Maxamed Cabduwahaan Nuur Abuuja, kadib markii lagu waayay eedeymo la xiriiray in uu katirsanaa Al-shabaab

Guddoomiyaha ayaa xusay in baaris dheer ka dib aysan jirin wax dambi ah oo uu galay Wariyahaasi, wuxuuna  amray in Xabsiga laga sii daayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute waxa u faray lamaha amniga in dabagal iyo baritaan ay ku sameyaan ciddii ka dambeysay dambiyadii lagu soo oogay Wariyahaasi.

Wariyaha ayaa muddo dhowr bilood ah ku xirnaa xabsiga dhex,isagoo loo heystay tuhun ah in Al-shabaab u katirsanaa,isla markaana uu geystay dilka gabar lagu magacaabi jiray Baxsaneey C/lle Boolaay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...