Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe.

Date:

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...