Ciidamadda Xoogga oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray Degaanno ka tiran Jubada Hoose

Date:

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidamadda kumaandooska xds danab kasameeyeen degaano katirsan gobolka jubada hoose ayay kasaareen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab kuwaasi oo dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan degaanadaasi.
Howlgalka oo ay ku fulinayeen ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab ayay kula wareegeen tuulooyinka Janaay cabdale, Helishiid, Mayoonde, Garas –cebe iyo kuwalo oo dhamaantood hoosyimaado magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xds danab Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqe oo Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida lahadlay ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ay isaga carareen degaanada howlgalka ay ku gaareen iyo degaano kale oo haatan ay kusii socdaan.
Taliyaha ayaa xusay inay kordhiyeen howgalada qorsheeysan ee ay ku bartilmaamedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada kuwaasi oo ay doonayaan inay guud ahaan degaanada jubooyinka kasaaraan.
G/le Ciraaqi ayaa ugu dambeeyntilmaamay in haatan tuulooyinka ay gaareen ay kawadaan howlo ay ku caawinayaan shacabka kudhaqan kuwaa oo dhibaatooyin ay ku hayeen argagixisada al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...