Korar ku yimid dadka uu ku dhacay Corona Virus ee Mareykanka iyo Brazil 4-tii maalmood ee la so dhaafay.

Date:

Anthony Fauchi oo ah  khabiir u qaabilsan arrimaha dhibaatooyinka ee Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa sheegay in waddankiisa uu “dhibaato daran” ku cudurka faafa ee corona virus.

Jaamacadda Johns Hopkins ayaa ku dhawaaqday diiwaangelinta 2249 qof oo ah dhimasho, halka bishii la soo dhaafay 46 kun oo kiis oo corona virus ah laga diwaan galiayay gudaha Mareykanka, taasi oo muujineysa in uu dib usoo laba kacleeyay xanuunkan.

Dalka Baraasiil 99 dhimasho cusub ah oo Corona virus ah ayaa la diiwaangeliyay 4-tii maalin ee la soo dhaafay, taasoo wadarta guud ee dhimashada waddankasia ka dhigeysa 55,961.

Wasaaradda Caafimaadka Brazil ayaa ku dhawaaqday inay in ay diiwaan-galisay 46,860 oo laga helay xanuunka Corona Virus 24-kii saac ee la soo dhaafay, waana tiradii labaad ee ugu badneyd oo cudurkan laga helay  dalka Brazil tan iyo markii uu xanuunkan ka soo if baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...