Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka, XFS Ugu Hambalyeeyey Diblumaasiyadda Hoggaaminta QM.

Date:

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.

 

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...