Taliyaha Xoogga Oo Dhagax Dhigay Qeybo Cusub Oo Ka tirsan Taliska Guud Qaybta 21-Aad+Sawirro

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaannada Galmudug ayaa Dhagax dhigay Qaybo ka mid ah Dhismaha xarunta Taliska guud ee Qeybta 21-aad oo fadhigeedu yahay Dhuusamareeb.

Taliyaha Qaybta 21-aad Generaal C/casiis C/laahi Cabdi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka qayb galey munaasabada dhagax dhiga Guriga Taliyaha Qaybta iyo kan Taliye Xigeenka oo ka mid ah dhismayaasha ugu muhiimsan Taliska Qaybta .

Hirgelinta qeybahan cusub ee ku biiraya xarumaha shaqeynaya ee qeybta ayaa ahmiyad gaar ah u leh Taliska waxaana dib u dhiska qeybahan muhiimka ah ee xarunta Qeybta 21-aad ka mahadceliyay Taliyaha Qeybta General C/casiis C/laahi “Qooje”.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareb Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa Ballanqaaday in ay gacan ku siin doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Dhismaha Xarumahan isagoo digniin u diray ciddii isku dayda in ay dagaan Xarumaha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Muhiimada Xeryaha Ciidamada Xoogga ee magaalada Dhuusamareeb ayaa Ballanqaaday in Dhismaha Xarumahan Cusub uu bilow u noqonayo in dib loo wada dhiso guud ahaan xeryaha Kale .

Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhusamareb oo horay dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyey ayaa kadib dhismaha Guriyahan Cusub u gudbi doonta dib usoo celinta Xeryaha kale ee burbursan iyo kuwa ku jira gacmaha aan aheyn Kuwa Xoogga waxaana dhagax dhigan kadib taliyaha Xoogga uu kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha kale sida Xerada Gaadiidka Ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...