Madaxweyne Waare Oo Shaqaale La Dilay U Xilsaaray Guddi Wasiiro Iyo Xildhibaanno Isagu Jira.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Golaley degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wareegto ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed dhallinyaro ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Golaley ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...