Wasiirka Amniga Galmudug Oo Kormeeray Xero Lagu Tababari Doono Ciidamada “Sawirro”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka ee Indha Qaris oo ku taala duleedka bari ee deegaanka Docal ee Gobalka Mudug oo lagu wado in lagu tababaro maleeshiyaadka Gobalka Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa doonaya in maleeshiyada la tababari doono ay ka mid noqdaan ciidamada daraawiishta ee Galmudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay waday qorshayaal lagu dar dar galinayo amniga deegaannada Galmudug, sidoo kalana wax looga qabanayay dhibaatooyinka maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan ay ka geysan jireen deegaannada Gobalka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Xerada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu xareeyo gaadiidka dagaalka ee ay heystaan beeluhu

Kormeerka Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...