Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo La Dardaarmay Garsoorayaal Xilalkooda Loo Dhaariyay.

Date:

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyay maanta oo ka howl gelaya maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamadda gobalka iyo maxkamadda racfaanka Gobalka.

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhammeystirka dadaalladii waqtiga dheer soo socday ee hagaajinta garsoorka iyo guddiyadii kala duwanaa ee imtixaanaadka ku kala saaray ku dhawaad 2,000 oo qof oo soo codsaday shaqooyin la xayeysiisay oo kala ahaa garsoorayaal iyo kaaliyaal maxkamadeed.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in hadafka ugu weyn uu ahaa helitaanka Garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, karti leh, sumcad leh, ku shaqeeya mabaa’diida shareecada Islaamka, dastuurka iyo qawaaniinta dalka oo dhowra xaquuqda aadanaha iyo xaquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed, si taa loo helana ay lagama maarmaan aheyd in iridda garsoorka laga soo galayo ay noqoto caddaalad, daah furan, kana madax bannaan eex, qaraabo kiil iyo qabyaalad.

Garsoorayaasha maanta la dhaariyay oo ka mid ah 40 garsoore oo tartankaas adag ku soo baxay, ayuu guddoomiyuhu kula dardaamay inay dadka ula dhaqmaan sidii ay jeclaayeen in loola dhaqmo xilligii ay imtixaanka u gelayeen shaqada, kana shaqeeyaan soo celinta sharafta iyo karaamada garsoorka oo dib u yagleelaan garsoor loo simanyahay oo ay dadka ugu shaqeeyaan sida caddaaladda ah ee iyagu ku yimaadeen, si garsoorku u noqdo xudunta muraayadda dowladnimada

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed waxuu xasuusiyay garsoorayaasha cusub inaan loo dul qaadan doonin musuq, uuna jiri doono Isla xisaabtan lagana doonayo inay hoggaan u noqdaan, waxuuna u ballan qaaday in sare loo qaadayo aqoontooda oo la siinayo tababarro dheeraad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...