Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2020 Oo 35% La Kordhiyay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020 oo la kordhiyay.

Guud ahaan kharashka miisaaniyadda ayaa dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalidaa safmarka Covid-19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha beni’aadannimo ee dalka la soo dersay.

Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID-19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay in ay dakhliga gudaha ka soo xarooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhammaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...