Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2020 Oo 35% La Kordhiyay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020 oo la kordhiyay.

Guud ahaan kharashka miisaaniyadda ayaa dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalidaa safmarka Covid-19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha beni’aadannimo ee dalka la soo dersay.

Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID-19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay in ay dakhliga gudaha ka soo xarooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhammaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...