Wasiirka Amniga Galmudug Oo Kulan La Qaatay Dhallinayarada Gaalkacyo “sawirro”

Date:

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo kaga qayb galey kulan dhiiri galin ah oo ay soo Agaasimeen Baraaruga Dhallinyarada Gobolka Mudug .

Dhallinyarada ayaa Wasiir Fiqi ku amaantay doorkiisa dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinka, kuwaa oo caqabad ku ahaa isu socodka bulshada Galmudug, waxaana ay dhallinyaradu balan qaadeen inay xoojinayaan la shaqeynta laamaha ammaanka Galmudug.

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa dhallinyarada soo qaban qaabisay kulanka uga mahadceliyay, waxaana uu kula dar daarmay inay xoojiyaan taageerada ay u muujiyeen Wasaaradda amniga iyo lamaaha Nabadgelyada qaabilsan, si looga hortago cidkasta oo carqaladeyneysa amniga Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...