Wasiirka C/fimaadka Oo Ka Warbixisay Halka Ay Mareyso Xaaladda COVID “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux.

48 kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...