In Ka Badan 90 Tuulo Oo Ku Baaba’ay Fatahaad Ka Dhacday Degmada Luuq

Date:

Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobalka Gedo  Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo ee uu maro Webiga Jubba uu ku fatahay isagoo khasaaro lixaad leh tuulooyinkaasi gaarsiiyay.

Mudane Towfiiq  oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dilaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadka, haatana ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay la soo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...